Johan Nilsson/TT
Sharci cusub oo argagixisada lagu xakamaynayo oo imika dhaqangalay
Waxa maanta dhaqangalay xeer cusub oo xakamaynaya cid kasta oo ka qaybqaadata hawlo argagixiso. Sharcigan cusub ayaa dembi ka dhigaya in si loo taageero ama looga qaybgalo hawlo looga dan leeyahay sidii loo fulin lahaa falal argagixiso. Haddii qofku ka qaybgalo shir ama uu ka mid noqdo dadka abaabulaya ama uu si uun taageero uga geysto, waxa qofkaasi lagu soo oogi kartaa dembi, taasi oo keeni karta in lagu xukumo xabsi.
Sharcigan cusub ayay samayntiisu soo bilaabantay ka dib markii fal argagixo ka dhacay magaalada Stockholm sannadkii 2017. Falkaasi ayuu geystay nin argagixo ah oo watay gaadhi xamuul ah, kaasi oo shan qof ku dilay farasmagaalaha Stockholm.
Xigasho: SR