Foto: Antonio Calanni/TT
Zlatan Ibrahimović ayaa ka fadhiistay ciyaaraha
Ka dib muddo 20 sannadood ka badan oo uu ahaa xiddig magac weyn ku leh kubbadda cagta ee caalamka, waxa uu xalay Zlatan Ibrahimović si rasmi ah uga fadhiistay garoomada. Zlatan ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu gebi ahaanba ka fadhiisannayo ciyaaraha, halkaasina uu ku soo xidhayo xirfaddiisii ciyaartoynimo.
Ciyaartoygan oo ay da’diisu tahay 41 jir ayaa mar la waydiiyay bal haddii uu xiisaynayo in uu hoggaamiyo xulka qaranka ee Iswiidhan, waxa uu ku jawaabay.
– Waxaan doonayaa in aan in muddo ah nasto horta oo aan dib u jaleeco dhammaan waxyaabihii aan soo sameeyay, si aan wakhti ugu helo in aan nasto iyo inaan is qiimeeyaba. Balse markasta waan soo dhawaynayaa wixii hawl ah ee aan wax ka qaban karo.
Madaxa xulka qaranka ee Iswiidhan Stefan Pettersson ayaa go’aankan ku tilmaamay mid kedis ku noqday. Mar la waydiiyay bal haddii uu Zlatan Ibrahimović sii wadan doono u ciyaaridda xulka qaranka, waxa uu Stefan ku jawaabay.
– Xalay uun baan maqlay warkaasi balse ugu horrayn waxa cad in Zlatan rabo in uu marka hore nasasho qaato si uu hadhow u go’aansado halka uu u dhaqaaqi doono. Waxa se dhab ah in aannu arrintan ka wada hadli doono. Sidaa waxa yidhi Stefan Pettersson.
Xigasho: Expressen