Ingvar Karmhed / SvD / TT

Wakhtigii kulaylaha oo bilaabmaya

Sida ay sheegta Ulrika Elvgren oo ka faalloota arrimaha cimilada, waxa ay berri iyo wixii ka dambeeya noqon doontaa kulayl saayid ah, gaar ahaan kuunfurta Iswiidhan. Maanta oo ay tahay shantii Juun, waxa ay cimiladu tahay 23 digrii balse berri waxay noqon doontaa 25 digrii. Wixii berri ka sii dambeeyana cimiladu intaasi way ka sii kululaan doontaa oo waxay gaadhi doontaa 29 digrii.

– Toddobaad cimiladu kulushahay ayuu noqon doonaa, maalinta Khamiista ahina waxa laga yaabaa inay noqoto maalintii ugu kulalayd toddobaadka, ayay tidhi Ulrika Elvgren.

 

Sida ay Ulrika Elvgren sheegtay qabow ayay sii ahaan doontaa gobolada Waqooyi ee dalka, iyada oo taasi sheegaysana waxay tidhi.

– Waqooyigu waxa uu noqon doonaa mid ay ka jirto dabayl, baraf iyo qabow, inkasta oo ay meelaha qaar ku kala badan doonaan.

 

Kulaylka badan ee ka jiri doona koonfurta Iswiidhan ayaa keenay in laga cabsiqabo in uu dad ka kiciyo kaymaha iyo meelaha cawska leh. Taasina waxay horseeday in walaac laga muujiyo in meelaha qaar dab lagu shito iyada oo hilib lagu shiilanayo.

 

 

Xigasho: TV4

kontakt@navigatormedia.se