Jonas Ekströmer/TT

Maalinta qaranka ee Iswiidhan

 

Sannad kasta 6 bisha Juun waxay ku beegan tahay maalinta qaranka Iswiidhan. Maalintan ayaa ah maalin weyn oo dadka oo dhammi fasax ka noqdo shaqooyinkooda iyo goobaha waxbarashada. Sannadkan 2023 Iswiidhan waxay buuxisay 500 sanno oo qaramino ah.

 

Maalintan ayaa salka ku haysa laba dhacdo oo taariikhiya. Ta koowaad ayaa ah in 6 Juun sannadkii 1523 ay Iswiidhan boqor u dooratay boqorkii Gustav Vasa, taasi oo horseeday inay Iswiidhan noqoto dal madax bannaan oo leh boqor u gaar ah.

 

Dhacdada labaad ayaa ku beegnayd 6 Juun sannadkii 1809 markaasi baarlamaanka Iswiidhan uu saxeexay hannaanka dawladnimada casriga ah ee ay maanta Iswiidhan ku shaqayso.

 

Labadan dhacdo ayaa sababay in 6 Juun loo doorto maalinta qaranimada Iswiidhan, taasi oo sannad kasta si weyn loo xuso.

 

 

Xigasho: Expressen

kontakt@navigatormedia.se