Foto: Antonio Calanni/TT

Naadiga AC Monza oo danaynaya Zlatan

 

Ciyaaryahanka kubbadda cagta ee reer Iswiidhan Zlatan Ibrahimovic, ayaa maalintii Axadda ee toddobaadkii hore ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba ka fadhiistay ciyaaraha. Zlatan oo hadda ka ciyaara dalka Talyaaniga ayaa go’aankiisani dad badan ku noqday mid u qaadan waa ah. Halka uu isaguna sheegay in uu go’aansaday in uu hal mar go’aankiisa la wadaago bulsho weynta dunida si aan looga sheegin warar aan sugnayn.

 

Ciyaaryahankan oo 41 jir ah, kubbadda cagtana soo ciyaarayay muddo ka badan 22 sanno ayaa lagu sifeeyaa in uu yahay ciyaaryahannada ugu wanaagsan adduunka. Bulshada reer Iswiidhan ayaa si weyn ugu dhaatada, waxaana marar badan lagu sifeeyaa mar-la-arag taariikhda soo maray oo sumcad iyo magac weyn u soo hooyay dalka Iswiidhan.

 

Haddaba, sida uu xaqiijiyay, waxa uu Zlatan Ibrahimovic casuumad ka helay naadiga kubbadda cagta ee AC Monza, kaasi oo ka dhisan dalka Talyaaniga. Warkan ayaa uu sheegay ciyaartoygu mar uu waraysi siiyay idaacadda arrimaha ciyaaraha ka faalloote ee Gazzetta dello Sport.

 

Si kastaba ha ahaatee, Zlatan ayaa sheegay in uu rabo in uu muddo nasto, kana fikiro halka uu mustaqbalka u kici doono. Waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay shaqo kasta oo loo soo bandhigo si uu isu qiimeeyo haddii uu ka soo bixi karo.

 

 

Xigasho: Aftonbladet

kontakt@navigatormedia.se