Lars Pehrson / SvD / TT

Xarumaha BUP oo ay dhakhaatiir yaraani ka jirto

 

Xuramaha caafimaadka ee lagu dabiibo carruurta iyo da’ yarta ayayna ka hawlgelin dhakhaatiir ku filan inay daboolaan baahiyaha halkaasi ka jira.

 

Keliya maaha uun dhakhaatiirta cilminaftiga kuwa ku yaraaday inay ka hawlgalaan goobahan balse waxa sidoo kale baahi weyn loo qabaa dhakhaatiirta dhanka maanta qaabilsan. Xogtan ayaa daaha ka fayday baadhis ay samaysay idaacadda P4 Stockholm.

 

– Mararka qaar ay nagu adkaataa in naloo cusboonaysiiyo dawooyinka aan u baahannahay, waxaanay nagu qaadataa wakhti dheer, sidaasi waxa tidhi Anja Hannertz oo ah hooyo ay inanteedu dhib kala kulantay mid ka mid ah xarumaha daryeelka caafimaadka carruurta iyo da’yarta.

 

Sida ay xog ururintani muujinayso waxa maanta xarumahan caafimaad oo tiradoodu dhan tahay 13 goobood ka shaqaalaysan 16 dhakhtar. Balse sida uu xaqiijiyay Fredrik Lundqvist oo ah dhakhtar ka shaqeeya mid ka mid ah goobahani, waxa keliya goobahan ka hawlgala shan ilaa toban dhakhtar oo takhasus u leh caafimaadka carruurta, halka ay inta kale yihiin dhakhaatiir u takhasus u leh arrimaha dadka waaweyn ama daryeelka maqaarka.

 

Muddooyinkii u dambeeyay waxa soo badanayay dhakhaatiirka shaqada ka tegayay ee awal ka hawlgeli jiray goobahan caafimaad, kuwaasi oo ka badnaa tirada dhakhaatiirta shaqada la qorayay. Madaxa xuramaha daryeelka carruurta iyo da’yarta ee dhanka maanta laga hayo ayaa sheegay in ay si weyn uga shaqaynayaan sidii arrimahan xal loogu heli lahaa. Si bukaanku u helo daryeel caafimaad oo wanaagsan muddo kooban gudaheed.

 

 

 

Xigasho: P4 Stockholm

kontakt@navigatormedia.se