​ TT Nyhetsbyrån

Qoys 10 sanno degganaa Iswiidhan oo la mastaafurinayo

 

Waxa ay deggenaayeen Iswiidhan ku dhawaad toban sano. Waxa ay haysteen shaqooyin joogto ah, ehelkooda oo ay jecel yihiin iyo xitaa qabuuraha oo ay ku lahaayeen xubno qoyskooda ah oo geeriyooday oo ay booqdaan usbuuc kasta.

Laakiin hadda waa la masaafurinayaa, oo weliba lagu mastaafuriyaa lix bilood gudahood, sida ku cad farriinta booliska xuduudku uu siiyay qoyska.

 

– Ma hayo erayo aan ku cabbiro dareenkayga, aad ayaanan uga xumahay. Waxa ayna u muuqataa go’aan bini’aadantinimada ka baxsan, ayay tidhi Arnela Kalac.

 

Ku dhawaad toban sano ayaa laga joogaa markii qoyska Kalac ay Iswiidhan yimaadeen, iyagoo ka soo haajirey dalka Seerbiya. SVT Nyheter Väst ayaa hore uga warbixisay nolosha qoyskan iyo halgankii ay u soo galeen inay ku sii noolaadaan dalkan Iswiidhan.

Dhawr sano ayey hadda deggenaayeen Lidköping. Waxase ay hore ugu noolaayeen Göteborg iyo Grästorp.

Bilowgii qoysku waxa uu ka koobnaa lix qof, afar carruur ah iyo laba waalid, hadda afar keliya ayaa nool. SVT Nyheter Väst ayaa hore ula kulmay qoyska.

Ilaa sannadkii sannadkii 2014-kiiba waxa ay dawladdu rabtay in qoyskani uu dalka ka baxo, laakiin qoysku dheg uma dhigin arrinkaasi. Hadda oo ku dhawaad toban sano ka dib ahna, gabdhihii walaalaha ahaa ee ku koray Iswiidhan ayaa u dagaallamaya sidii qoyska loogu oggolaan lahaa inay sii joogaan.

Waxa aannu nahay qoys nidaamsan, waxa aana haysanaa shaqooyin joogto ah, sababtoo ah waxaan halkan joognay sannado badan ah, waxa aanu ka mid noqonay bulshada, ayay tidhi Ilda Kalac.

 

 

Caruurtan aabbahood ayaa u dhintay cudurka kansarka ka dib markii in muddo ah joogeen  Iswiidhan, halka gabadh carruurta la dhalatayna la waayay sannad ka dib geeridii aabbahood,  iyada oo meydkeeda la helay dhowr toddobaad ka dib.

 

– Waxaan Iswiidhan ku weynay walaashayo oo naga weyn oo si xun u dhimatay, mana aannanu helin wakhti aanu ku baroordiiqano, waayo waxa naga mashquuliyay sharciga degganaashaha raadintiisii iyo waliba booliska xudduudaha oo inay na mastaafuriyaan doonaya, ayay tiri Ilda Kalac.

 

Laanta socdaalka kama jawaabi karto inta qof ee sida qoyska reer Kalac ku nool Iswiidhan, inkasta oo amar musaafuris ah la siiyay.  Lamana oga in geerida aabbahood iyo walaashood ay sabab u noqon karaan in go’aankaasi laga noqdo

 

 

 

Xigasho: SVT Nyheter Väst

Mohamed Yusuf

kontakt@navigatormedia.se