Goob carruurta lagu hayo oo ku taalla gobolka Värmland ayaa nin weyn oo halkaasi ka shaqeeyaa uu uureeyay gabadh da’yar. Inkasta oo ninkani jabiyay sharcigii u yaallay goobtan oo ahaa in ubadka lagu hayaa helaan daryeel iyo ammaan ay kaga badbaadayaan wixii dhib ah oo dhan, in shaqaale ilaaliyaan ubadka ay gacanta ku hayaan, haddana madaxda meeshan maamusha ayaan faldambiyeedkan u gudbin hay’adaha ku shaqada leh.
Waxay ahayd jiilaalkii hore markii la ogaaday in gabadh yar oo 17 jir ah oo ku nool goob ka mid ah goobaha lagu daryeelo carruurtu ay uur leedahay, uurkaasina uu u yeelay nin isla goobta ka shaqeeya oo da’ ahaan 25 sanno ka weyn. Ninkan ayaa markii arrintani dibadda u soo baxday isaga tegay shaqadiisii.
– Dhacdada noocan oo kale ahi waxay muujinaysaa in uu jiro xadgudub sinji iyo faldembiyaad weyn oo mudan in si dhab ah baadhitaan loogu sameeyo. Waxan oo kale maaha wax la aqbali karo, ayay tdihi Elisabeth Dahlin oo ka hawlgasha Sveriges barnombudsman.
Maamulka goobtan carruurta lagu hayo ayaan wax tallaabo ah ka qaadin arrintan, manay wargelin booliska balse markii ay idaacadda SVT wax ka waydiisay arrintan way ka gaabsadeen in ka hadlaan ama ay waraysi bixiyaan.
Hay’adda kormeerka xarumaha caafimaadka iyo daryeelka bulshada (IVO) ayaa loo gudbiyay dacwad ka dhan ah falkan balse waxa la filayaa in marka ugu horraysa ee ay hay’addani arrintani ka falcelin doontaa ay noqon doonto uun xagaaga ka dib.
Xigasho: SVT VÄRMLAND