Henrik Montgomery/TT
Noor Karim ayaa bogga aragtiyaha ee jariirada weyn ee Aftonbladet ku soo bandhigtay maqaal ay ciwaan uga dhigtay, “Ma aha in markabka Vasa oo keliya uu mudan yahay in la difaaco, balse waa in Masaajidka Stockholm lagu daro goobaha loo tix galiyo in ay yihiin dhaxal taariikheed”
Masaajidka Stockholm, oo sidoo kalena loo yaqaano masjidka Zayedka ayaa ku sharfan in uu ku yaallo fagaaraha Medborgarplatsen ee magaalada Stockholm.
Waa dhismo qurux badan oo ay ka buuxaan gidaaradiisa midabyo kala duwan oo isku dhafan.
Waa hay’ad kulmisa boqolaal kun oo muslimiin ah. Waana qayb muhiim ah oo ka mid ah goobaha dhaqanka xambaarsan ee Iswiidhan.
Dagaaladu dad oo keliya uun ma dilaan, balse inta baddan dhaqanka iyo hiddaha ayaa ku hoobta si meesha looga saaro amniga iyo taariikhda guud ee la wadda leeyahay.
Dagaalkii Ciraaq ee 2003, waxaa la bililiqaystay agabkii qadiimiga ahaa, waxaana la waxyeelay oo burburay madxafyadii. Taalibaankuna waxa ay si badheedh ah u burburiyeen taallooyinkii Budiiska ahaa ee soo jiray 1400 ee sano.
Dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Suuriya, waxaa lagu burburiyay goobo taariikhi ah, waxaana lagu been abuuray ama lagu xaday agab taariikhi ah oo aad muhiim u ahaa.
Waxa ay ahayd badheedhe ula kac ah oo ay samaysay Dawladdii Islaamiga ah ee IS, markii ay dhowr goobood oo dhaxal dhaqameed ah oo ay ku jirto goobta qadiimiga ah ee Palmyra burburisay.
Waxa kale oo xusid mudan in mid ka mid ah bartilmaameedyada Ruushka ee dagaalka Ukraine uu ahaas sidii loo burburin lahaa goobaha taariikhiga ah ee Ukraine. Si loo tirtiro oo la baabi’iyo agabka iyo meelaha aqoonsiga siiya dadka reer Ukraine, kuwaasi oo xambaarsan dhaqankooda qadiimiga ah.
Dowlada Iswiidhan iyada oo wax ka baratay arrimahaasa waxa aya hay’ada ka hortaga masiibooyinka ee Iswiidhan ay warbixinteedii jaangoynta meelaha maddaniga ah ee 2030-ka ku sheegtay oo ku tilmaameen in Iswiidhan ay u baahan tahay in ay xoojiso u diyaar garowga difaaca meelaha dhaxalka hidaha iyo dhaqanka ah. Ma aha oo keliya arrin ku saabsan agabka ku urrursan Matxafyada qaranka, balse waxay tilmaaameen in ay adkaan doonto in la raro markabka Vasa oo kale haddii masiibo dhacdo.
Aadamuhu waxa uu had iyo jeer jawaab u raadiyaa macnaha nolosha. Waxa uu had iyo jeer is weydiiyaa, wuxu yahay iyo meesha uu ka yimid, wuxu raadiyaa raadadkii hore ee dadkii innaga horreeyay, hadday sawir noqoto iyo hadday qoraal noqataba si wakhtigan uu joogo ay noloshu macno ugu yeelato.
Wuxuu kaydsadaa sawirrada iyo dharka uu maanta xidhan yahay si jiilka mustaqbalka soo socdaa u xasuusto.Waana fahanka iyo in raadraac aduunka looga tago uun.
Si guud iyo wadar ahaana waxa aynu sidaas oo kale u isticmaalnaa taariikhda, fikirka iyo dukumentiyada la kaydiyay si aynu isku fahano oo u garano waxa aynu nahay dad iyo qaran ahaanba.
Hay’adaha dawliga ah ayaana aqoonsada waxii agab la ilaalinayo inay yihiin dhaxal dhaqameed si loo badbaadiyo haddii weerar dhaco. Waxay noqon kartaa waxyaabo ay ka mid yihiin dhismayaal, kaniisado, sawirro lagu xardhay saqafyada iyo dhagxaantaba. Iyo sidoo kale waxyaabo aan la taaban karin sida dhaqamada, caadooyinka, iyo fanka ay jiilalkii hore ka tageen. Baguette-ka Faransiiskuba, tusaale ahaan, waa dhaxal dhaqameed la aqoonsaday.
Shay kasta iyo dhukumeent kasta oo aynu kaydinaa waa qaybo ka mid ah halxidhaalaha. Qaybaha halxidhaalahuna waxa ay dhisayaan sheeko ku saabsan cidda aynu soo ahayn awal iyo cidda aynu maanta nahay. Haddii haddaba qayb ka mid ah halxidhaalahu ay maqnaato ama laga saaro, waxa aan la helayn sawirkii oo dhan. Markaasay sheekaduna qalloocsami doontaa.
Tani waa waxa xisbiga Sverigedemokraterna uu u rabo in arrimaha dhaqanka iyo hiddaha ay yihiin kuwa ugu sarreeya ee ajandahooda siyaasadeed. Waxa ay laabta u garaacaan in ay jecel yihiin qaranka, taariikhda iyo hiddaha iyo dhaqanka ee aabbayaasheen, laakiin dhab ahaantii waxay rabaan uun in ay taariikhda u adeegsadaan kala faquuq iyo kala kaxayn oo ay qayb innaga mid ah bannaanka innooga saaraan.Taasi cakiskeeduna waa ururinta deeqsinimada leh iyo dhisida qaybaha halxidhaalaha ah ee qaniga ah, si la iskaga wada dhex arko oo dad badani ay u dareemaan lahaansho ay ku difaacaan xuduudaha, qiyamka, hidaha iyo dhaqanka dalkan ee aynu wadaagno.
Tusaale ahaan dadka muslimiinta ahi waxay Iswiidhan ku noolaayeen ilaa iyo 1950-kii. Ku dhawaad boqolkiiba toban dadka Iswiidhan waa muslimiin. Liiska hidde dhaxaleedka ee hadda jira, kuma taal wax sheegaya dhaqamada dadweynaha.
May ahayn malaha in kaniisadaha oo keliya ay qayb ka noqdaan liiska hidde dhaqameedka, Maxaa diidaya in Masjidka Stockholm na lagu daro oo uu qayb ka noqdo meelaha hidde dhaxaleedka Iswiidhan ee ay tahay in la difaaco si loo ilaaliyo haddii uu dagaalku yimaado.
dhaxalkeenna shakhsiga ahi, qofka oo keliya uun buu khuseeyaa balse waxa muhiim ah taa guud ee aynu wadda leenahay. Sidaa daraadeed waa in la ilaaliyo masaajidka Stockholm haddii uu dagaal innagu yimaado. Si jiilasha dambe ay u ogaadaan in xitaa Iswiidhan uu ka jiray dhaqan Muslim oo nooli oo uu ka mid ahaa dhaqamada kale ee Iswiidhan.
Xigasho: Aftonbladet
Mohamed Yusuf