Laba nin ayaa lagu toogtay degmada Solna ee magaalada Stockholm. Mid ka mid ah raggan ayaa laga helay goob ay carruurtu ku ciyaarto, halka ka kale laga helay guryo la deggan yahay ah. Nin looga shakisan yahay in uu falalkan ka dambeeyay ayaa ku baxsaday baaskiilka korontada ku shaqeeya.

 

Waxay ahayd habeenimadii Sabtidu soo galaysay markii boolisku ku warhelay in ay rasaasi ka dhacday degmada Solna ee ku taalla waqooyiga Stockholm. Nin dhaawac ah ayaa laga helay goob ay carruurtu ku ciyaarto, ka dib waxa loo qaaday cisbitaalka iyada oo lagu qaaday ambalaans.

 

Sidoo kale nin kale oo dhaawac ah ayaa laga helay meel isla degmadan ku taalla, kaasi oo isna loo qaaday cisbitaalka.

 

Sida ay boolisku sheegeen, dhaawacyada labadan nin ayaan ahayn kuwo halis ah. Sida uu soo weriyay wargeyska Aftonbladet, labadan nin ee dhaawaca ah ayaa da’duudu tahay 25 jirro.

 

Booliska ayaa ku hawlgan meelaha uu dembiyadu ka dhaceen, waxaan ku gudajiraan baadhitaankooda. Ilaa hadda ma jirto cid loo xidhay falalkan balse sida ay dad markhaati ahi sheegeen, nin looga shakisan yahay in uu yahay kii falalkan geystay ayaa goobta ka baxsaday isaga oo watay baaskiil ah nooca korontada ku shaqeeya. Sidaasi waxa yidhi Towe Hägg oo ah afhayeenka booliska.

Wixii warar ah ee arrimahan ka soo kordha ayaannu halkan idinkala socodsiin doonnaa.

 

 

Xigasho: Aftonbladet

kontakt@navigatormedia.se