Janerik Henriksson/TT
Maalmihii fasaxa lagu jiray ee Sabtidii iyo Axaddii inna dhaaftay; waxa ka dhacay magaalada Stockholm iskahorimaadyo sababay dilal. Tusaale ahaan xaafadda Farsta oo ku taal dhanka koonfureed ee magaalada; waxa ka dhacday israsaasayn xooggan oo sababtay dhimasho iyo dhaawac; waxaana lagu toogtay afar qof oo uu ka mid ahaa wiil shan iyo toban jir ahaa oo dhaawacyadii soo gaadhay u dhintay. Habeenimadii Isniintu soo gelaysayna waxa la rasaaseeyey guri ku yaal xaafadda Uplandsväsby oo ah dhinaca waqooyi ee magaalada Stockholm.
Madaxa sare ee ururka Fryshuset oo si dhow ula shaqeeya dhallinyarada iyo gaar ahaan kuwa khatarta ku sugan Johan Oljeqvist ayaa yidhi: Dhallinyarada xaaladda budhcadnimada ah ku jira maaha keliya in la shaqaaleysiiyey ee waxa lagu soo dabaa wax ay jecel yihiin in loo iibiyo oo aanay awood u lahayn inay iibsadaan.
Isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi:
”Waxa jirta dhacdo dhawaan dhacday oo aannu hawsheeda ku jirno. Wiil yar oo aanay waalidkii u iibin karin waxa ay saaxiibbadii haystaan ayaa la kulmay wiil ka da’ weyn oo qof wanaagsan u eg, farasmagaalaha ayuu kula kulmay, kaasoo u sheegay inuu u iibin karo waxa uu doonayo oo ahaa waxyaabaha carruurtu ku ciyaarto. Wuu sii kaxeeyey oo ku yidhi halkanna sharaab baan kaaga iibinayaa, sidaasay wax ku bilaabmaan ee maaha in toos loo shaqaalaysiiyo carruurta. Waa loo qurxiyaa, waayo waa carruur oo sida boolisku sheegay 80% kuwa la toogtaa waa carruur da’doodu ka yartahay 20 jir. Sidaa awgeed waa tiro xad-dhaaf ah carruurta dhibaatadaa ku jirta.
Warbixintani waxay tilmaamaysaa qaababka looga hortagi karo dhibaatada ay ku dhici karaan carruurta aadka u da’da yar. Meelaha lagu ogaan karo waxa ka mid ah dugsiyada oo si fudud loo ogaan karo ilmaha waalidkii aanay u awoodi karin dhaqaale ahaan inay u iibiyaan waxyaabaha ay carruurtu jecel yihiin. Waxa kale oo muhiim ah in si dhow loola socdo ilmaha la nool waalid keliya. Waxaana la ogaan karaa calaamaadka taban ee ilmaha goor hore oo laga hortegi karo. Waxa ay warbixintani tilmaamaysaa in aan loo dhegyeelan marar badan oo la doonayey in laga hortago calaamaad taban oo lagu arkay ilmo dugsiga dhigta. Sababaha looga hortegi waayey waxa uu madaxa sare ee ururka Fryshuset mudane, Johan Oljeqvist ku sheegay in aan loo hayn kharashkii lagu badbaadin lahaa ilmahaas, oo laga yaabo in aanay ka badnayn lacag dhan 50,00 karoon.
Xigasho: Sveriges Radio
Sayid-Ahmed Jama