Foto: Hasse Holmberg/TT
Meelo badan oo dalka Iswiidhan ah ayaa waxa soo foodsaartay baahida loo qabo wadayaasha basaska. Dhibaatada ka taagan yaraanta darawallada basaska ayaa sii xoogaysanaysa; taasoo keenta marar badan in wadayaasha basasku ay shaqeeyaan saacado dheeraad ah, gaar ahaan haddii qof ama dhawr qof ay ku maqan yihiin xanuun ama fasax.
Tobankii shirkadoodba siddeed ka mid ah shirkadaha gaadiidka ayaa sheegay in sannadkii u dambeeyay ay dhibaato kala kulmeen shaqaaleysiinta darawallada. Gaar ahaan shaqaalaha ay rabaan inay shaqaalaysiiyaan ayaan inta badan buuxinaynin shuruudihii laga rabay xirfad ahaan.
Ururka ay ku midoobeen shirkadaha gaadiidka ayaa sheegay qiyaas ahaan in ku dhawaad 8,100 darawal loo baahan yahay ilaa sannadka 2025, si ay u beddelaan ilaa 2000 oo darawallo basaska ah oo hawlgab noqonaya saddexda sannadood ee foodda innagu soo haya.
Sida ay sheegtay Åsa-Linda Ludvigsson oo ah dirawallad iyo wakiilka ururka shaqaalaha, inta badan da’yartu way ka tagaan shaqada; taasoo ay ku macnaysay inay ka fikirayaan baahida iyo nolosha qoyskooda. Waxa aan is buuxinayn xirfadda darawalnimada basaska iyo xilliga firaaqadooda, nolosha qoyskooda, mushaharka iyo qaabka shaqada oo aan fududayn, marka loo eego baahida qof ahaaneed.
Wakiilka ururka shaqaalaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la hagaajiyo habka ay u shaqeeyaan iyo duruufaha la xidhiidha shaqaalaha basaska. Warbixinta ayaa hoosta ka xariiqday in keliya aanay muhiim ahayn in la hagaajiyo xaaladda guud ee shaqaalaha balse ay sidoo kale muhiim tahay in mushahar wanaagsanna la siiyo. Se maamulaha guud ee ururka loo shaqeeyaha ayaa aaminsan in muhiimaddu tahay in la maalgeliyo tababarka darawallada basaska si loo helo darawallo cusub oo baahida jirta buuxiya.
Xigasho: SVT