Foto: Jonas Ekströmer/TT

 

Hoggaamiyaha xisbiga Miljöpartiet Per Bolund ayaa ku dhawaaqay in aanu mar dambe isku soo sharixi doonin hoggaanka xisbigiisa marka la gaadho dayrta soo socota.

– Waxaan siyaasadda qaranka ka soo shaqeeyay in ka badan 20 sanno. Waxaan hadda gartay inaan siyaasadda ka nasto oo aan wax kale qabto in aan noolahay. Waxaan isleeyahay hadda waa wakhtigii ku habboonaa inaan tallaabadaasi qaado. Sidaas waxa uu Per Bolund u sheegay wargeyska DN.

Sannadkii 2019 ayaa Per xilkan loo doortay ka dib markii uu beddelay Gustav Fridolin. Inkasta oo uu go’aankiisan maanta ku dhawaaqay balse haddana waxa uu xilka sii hayn doonaa ilaa bisha Noofember oo ah wakhtiga xisbigiisu qabsan doono shirweynihiisa guud. Waxaanu markaa ka dib wareejin doonaa xilka uu xisbiga u hayo iyo waliba kursiga xildhibaanimo ee uu baarlamaanka ka hayo.

Per Bolund waxa uu hore u soo noqday wasiirka deegaanka iyo cimilada iyo wasiirka guryeynta.

 

Xigasho: SVT

kontakt@navigatormedia.se