Vilhelm Stokstad/TT

 

Shantii carruur ah ee deggan gobolka Halland ee Iswiidhan ugu yaraan mid ka mid ah ayaa waalidkii lagu leeyahay deyn faro badan. Deyntaasi oo maraysa marxaladdii ugu dambaysay ee magdhowga oo ay hay’ada magdhowga ee Kronofogden gacanta ku hayso. Waxa sidaasi lagu sheegay warbixin ay soo saartay Kronofogden.

Warbixintan ayaa daaha ka faysay in qiyaastii 4800 ah tahay tirada ubadka ku dhaqan gobolka Halland ee la nool waalidkooda oo deyn lagu leeyhay. Xilliga xagaagii oo ay carruurtu fasax ka tahay dugsiyada ayna firaaqo badan hayaan ayaa waalidiin badan uga baahan inay kharash u huraan ubadkooda si ay wakhti fiican u wada qaataan wakhtigan fasaxa ah. Nasiibdarro se waalidiin badani ma awoodaan inay sidaa sameeyaan maaddaama oo deyn badan lagu leeyahay.

Maaddaama sharciga dayeelka carruurta ee Barnkonventionen loo yaqaanaa si rasmi ah sharci uga noqday Iswiidhan, waxay adag tahay in hay’adda Kronofogden la wareegto ama xaraashto hantida qoysaskan, sida agabka guryaha u yaalla. Sababtuna waxay tahay in haddii tallaabadaasi la qaado ay si toos ah u saamaynayso ubadka, taasina ay keenay in dhibaato weyni soo gaadho nolosha carruurta.

 

Xigasho: SVT

kontakt@navigatormedia.se