Foto: Fredrik Persson/TT

 

Laga bilaabo maalinta Isniinta ah ee ay bishu tahay 19 Juun, qof kasta oo haysta baasaboor iyo kaadhka aqoonsiga oo shaqaynaya, wuxuu adeegsan karaa Bankid-giisa si uu isu caddeeyo. Taasi ayaa ka dhigan in uu qofku meelo badan ka maarmayo inuu baasaboor ama ID u qaato oo uu mar kasta is daba sido. Sidaasi waxa yidhi Petter Dahl oo ka hawlgala shirkadda Finansiell ID-Teknik oo ah shirkadda adeegan soo kordhisay.

Shirkadda Finansiell ID-Teknik ayaa sheegtay in shirkad kastaa xor u tahay inay soo dhawayso isticmaalka adeegan balse in ay ku hanweyn yihiin in mustaqbalka dhaw lagama maarmo in qofku is daba sido baasaboorkiisa ama kaadhkiisa aqoonsiga. Waxay intaasi ku dartay shirkaddu in imika adeegan la isticmaali karo marka uu qofku is caddaynayo da’diisa si uu wax u iibsado, marka qofku alaab ka soo qaadanayo boosta iyo waliba marka uu qofku sheegayo in uu xubin ka yahay naadi.

Durba iyada oo aan la daahfurin adeegan cusub ayay shirkadaha Postnord iyo DHL ku dhawaaqeen in macmiishoodu ay isticmaali karto adeegan markay alaab ka qaadanayaan boosta.

Adeegan cusub ayaan weli la isticmaali karin marka qofku diyaarad raacayo ama uu dalka dibaddiisa u safrayo. Petter Dahl ayaa  sheegay in ammaanka adeegani yahay mid sugan oo ayna ahayn in macmiilku ka werwero.

Si qofku adeegan u isticmaalo waa in qofku chip-ka baasaboorkiisa ama kaadhkiisa aqoonsiga ku yaalla ku dul qabto kamaradda si app-ku uu u akhriyo. App-kan ayaa halkaasi ka soo xambaaraya dhammaan macluumaadkaaga, waxaanu u diiwaangeliyanayaa si dhib yar.

 

 

Xigasho: DN

kontakt@navigatormedia.se