Foto: Fredrik Sandberg/TT
Laga bilaabo 1 Julaay waxa mushaharka loo kordhin doonaa raysalwasaaraha Iswiidhan Ulf Kristersson. Sidoo kale waxa iyana musharkoodu kor u yara kici doonaa golihiisa wasiirada, taasi oo ka dhigan in wasiir kastaaba bishii qaadan doono wax ka badan 150 000 karoon.
Guddida waaxda mushaharbixinta u qaabilsan xukuumadda ayaa go’aan ku gaadhay in raysalwasaaraha mushaharkiisa loogu daro 7 000 oo dheeraad ah. Waxayna taasi mushaharkiisa billaha ah ka dhigaysaa 191 000 karoon bishii.
Maaddaama oo ay noloshii imika qaaliyowday, waxa kale oo golaha wasiirada loo ogol yahay in ay helaan kabniin dhaqaale oo dheeraad ah, sida haddii qofka masuulka ahi deegaan ku yahay laga degmo oo u baahan in uu markasta u kala safro wakhtiga shaqadiisa. Kabniinkaasi ayaa ugu badnaan noqon kara 8 600 karoon.
Mushaharada masuuliyiinta xukuumadda ayaa sannadkiiba hal mar dib u eegis lagu sameeyaa. Korodhkan imika yimidna waa mid u dhigma 3,8%.
Xigasho: Expressen