JANERIK HENRIKSSON/TT
Warbixin ay soo saartay wakaaladda caymiska bulshada ee loo yaqaano Försäkringskassan ayaa daaha ka faydday in ku dhawaad 29 000 hooyo oo kelidood carruur korsadaa ay ku sugan yihiin duruufo adag oo dhaqaale. Warbixintan ayaa muujinaysa in hooyooyin badani la daalaadhacayaan duruufaha nolosha ka dib markii muddooyinkii u dambeeyay ay maceeshaddu qaaliyowday.
Warbixinta ayaa muujinaysa in hooyooyinka ubadka haysta ee ayna carruurta aabbahood wada joogini ku sugan yihiin duruufo dhaqaale oo qalafsan. Taasi ayaa ka dhigan in badi kuwa caydha qaata ee aan shaqaysani yihiin kuwa ay noloshu ku sii adag tahay. Sababta ayaa lagu sheegay inay tahay in aanay lacagta gunnada ah ee ay dawladdu siisaa ahayn mid kaafiyi karaysa baahiyaha qoyskooda.
Waxa xusid mudan in muddooyinkii u dambeeyay ay qiimaha maceeshaddu cirka isku shareertay, taasina ay keentay in shay kastaaba ka qaalisanaado intii hore loo siin jiray.
Xigasho: Sveriges Radio