Janerik Henriksson/TT
Xafiiska cashuuraha ee Iswiidhan ayaa go’aansaday in cashuur laga qaado hawlaha ku saabsan aaska ee masaajid ku yaalla xaafadda Bellevue ee magaalada Göteborg. Go’aanka xafiiska cashuuruhu waxa ay ku saleeyeen in masaajidku uu u shaqaynayo qaab la mid ah habka ay u shaqeeyaan xafiisyada qaabilsan aaska ama guud ahaanba tacsida marka uu qof geeriyoodo. Taasoo ay sheegeen in masaajidka ay ka soo gashay lacag dhan 265, 000 oo karoon oo cashuurta ku waajibtay noqonayso 142, 000 kr.
Gunnar Högberg oo u hadlay xafiiska cashuuraha ayaa go’aankaa ku sheegay inuu sax yahay. Laakiin Hanad Cabdi oo masaajidka u qaabilsan dhanka xisaabaadka ururka maamula masaajidka ayaa sheegay in ay culays ku noqon doonto hawlihii ay ku taageeri jireen dadka ee masaajidka ka socday.
Raadraaca xafiiska cashuuruhu waxa uu ku saleeyey go’aankooda in muddadii u dhexeysay 2021 ilaa Oktoobar 2022 uu masaajidku 65 aas uu hawshooda qaabilay, taas oo uu ka soo galay dhaqaale dhan 971,000 oo karoon. Xafiiska cashuuruhu waxa uu ku sharxay arrintaasi inay tahay faa’iido soo gashay ururka oo xaq loogu leeyahay in la cashuuro.
Xisaabiyaha ururka maamula masaajidka ee Göteborg Islamiska sunnicentret mudane Hanad Cabdi ayaa sheegay in aanay ku qanacsanayn go’aanka xafiiska cashuuraha. Waxa uu Hanad tilmaamay inay yihiin urur samafal oo caawiya bulshada halka ay go’aankooda ku saleeyeen sidii shirkad faa’iido doon ah inaanu nahay. Su’aalo ku saabsanaa aragtida iyo dareenka uu ka qabo Hanad go’aankaas waxa uu sheegay in ay ku adkaan doonto fulinta hawlihii ay dadka u qaban jireen. Wuxuuna dareenkiisa ku muujiyay inay aad uga xunyihiin go’aankaas oo ay anbiil ka qaadan doonaan go’aankaas.
Xigasho: GP