Min Stora Dag waa urur samafal oo u taagan sidii uu gacan u siin lahaa, nolol farxad ku dheehan tahayna uu horseedii lahaa carruuraha la nool xannuunada khatarta ah ama leh dhaayagnoosyada. Tani ayaa keentay in uu ururkani sannad kasta caawiyo kumanaan carruur ah, isaga oo adeegsaaya barnaamijka Stora Dagar. Waa barnaamij qofka gacan ka siinaya in uu sii wado halgankiisa uu kula tacaalayo xaaladaha caafimaad ee uu ku jiro. Dalkani Iswiidhan carruur iyo dhallinyaro gaadhaysa 200 000 ayaa la nool xanuuno khatar ah iyo dhaayagnoosyo. Hadafka ururkan ayaa ah in dhammaan carruurtani helaan maalin weyn oo farxad badan xambaarsan.
Haddaba, si aad fursaddan la yidhaa Maalin Weyn u hesho oo aad uga faa’iidaysato, waxaad soo xaraysan kartaa codsi, adiga oo ku soo lifaaqaya shahaado caafimaad. Waxa aad si dhib yar codsigaaga uga soo gudbin kartaa boggayaga.
Si aad u soo dalbato barnaamijka En Stor Dag, waxaad u baahan tahay in ay da’daadu tahay 4 jir ilaa 17 jir. Waa in aad tahay qof qaba xanuun khatar ah oo haysta caddayn dhakhtar iyo in aad Iswiidhan deggan tahay.
Fadlan ha illaabin in aad codsigaaga ku soo lifaaqdo warqadda caddaynta dhakhtarka, taasi oo caddaynaysa xaaladdaada caafimaad.
Si aad u soo dalbato waxaad ku dhufataa link-gan.