Foto: TT

Dad badan oo xanuunsanaya ayaa nafta iska qaaday intii ay sugayeen in loo fidiyo adeegyo caafimaad. Dadkan ayaa u badan kuwo la tacaalaya xanuunno dhanka maanka ah. Wasiirka arrimaha bulshada Jakob Forssmed ayaa arrintani si weyn u dhaliilay, waxaanu sheegay in ay tahay wax aan la aqbili karin oo ay xukuumaddiisu rabto in ay wax ka qabato. 

Arrintan ayaa timid ka dib markii SVT uu sameeyay daabagal, taasi oo keenay falcelin weyn. Barnaamijka ayaa waraysatay ehellada dad xanuunsanayay, dhakhaatiir iyo waliba dad iyaga laftigoodu la tacaalaya xanuunno dhanka maanka ah oo uu ku dheeraaday safka loo galo in adeeg caafimaad loo fidiyo.

Xogtan cusub ayaa soo bandhigtay in sannadkii hore ay dad gaadhaya 32 qof nafta iska jareen, ka dib markii uu ku raagay safkii ay ugu jireen in ay la kulmaan dhakhaatiir caawisa. Dhanka kale Iswiidhan ayaa adeeggeeda caafimaad ka tayo hooseeyaa marka loo eego dalalka kale ee Yurub.

 

SVT