Foto: TT
Tobankii qofba afar ka mid ah ayaa guriga ka soo shaqeeya. Tan iyo sidii uu u yimid safmareenkii Covid-19, waxa kor u kacay tirada dadka ka soo shaqayn kara guryahooga, kuwaasi oo ka maarmay in ay tagaan goobaha shaqada. Sannadkii hore qiyaastii 43% ayaa dadka shaqaalaha ka ah Iswiidhan ka soo shaqaynayay iyaga oo guryahooda jooga.
Dad ka badan 13% ayaa kala badh wax ka badan shaqadooda ka soo qabta guryahodoa. Tiradan ayaa awal ahayd 3-4% ka hor Covid-19. Badi shaqaalaha shirdaha gaarka loo leeyahay ayaa ah kuwa ugu badan ee shaqada ka soo qabta guryahooda. Waxaana aad u korodhay tirada haweenka shaqadooda ka soo gabta guryahooda.