Foto: TT
Xanuun shuban wata ayaa ka dilaacay dugsiyada xannaanada ee Stockholm. Xanuunkan ayaa la yidhaa Shigella, waxaanu ku dhex faafay dugsiyada xannaanada ee degmooyinka Sundbyberg iyo Danderyd. Ugu yaraan toddoba carruur ah ayuu soo ritay, kuwaasi oo mid ka mid ahi u baahday in cisbitaalka la geeyo.
Xanuunkan ayaa ka dhashay cunto. Astaamihiisa waxa ka mid ah shuban, xumad iyo calool xanuun.
Omni