Foto: TT
Waxa sannadkii siddeedaad si joogto ah hoos ugu dhacay tirada dadka la siiyo gunnada dhaqaale. Sidani waxa soo bandhigay tirakoob ay samaysay hay’adda Socialstyrelsen. Sannadkii tegay ee 2023 ayaa noqday sannadkii ay ugu yarayd tirada dadka la siiyay gunnada dhaqaale ee la siiyo dadka aan shaqayn tan iyo markii tirakoobkan la bilaabay oo ahayd 1990.
Sannadkii 2014 waxa ay tiradani ahayd 226 400 guri, halka ay imika noqotay 146 000 guri. Tani ayaa ka dhigan in tiradaasi ay hoos u dhacday 36%. Arrintan ayaa lagu sabbaynaa in markii ay dalka yimaaddeen qoxoontigii ugu badnaa oo ahayd 2015 ay tiradani ahayd mid aad u sarraysa balse imika ay dad badani shaqo heleen, taasina ay keentay in ay dad badani ka maarmaan in la kabo oo la siiyo gunno dhaqaale.