Foto: TT

Laba wiil oo yar yar ayaa la xukumay ka dib markii lagu helay in ay kufsadeen gabadh da’ yar. Labadan wiil iyo gabadhan yar ayaa ku nool Malmö, waxaanu falku ka dhacay degmada Nydala. Mid ka mid ah wiilasha ayaa lagu xukumay hal sano oo ah xukunka da’ yarta oo ah in korta laga ilaaliyo. Halka wiilka kale lagu xukumay 10 bilood oo ah ungdomsvård.

Labadan wiil ayaa falkani ku caddaaday ka dib markii biyahooda laga helay halkii falku ka dhacay iyo waliba markii la helay farriimihii dhanka baraha bulshada ahaa ee ay is dhaafsadeen.

SR