Magaalada Malmö ayaa noqotay magaalada ugu xun ee qof waayeel ahi ku noolaan karo. Waxa soo bandhigay xog ururin cusub. Waxa arrintan lagu sababeeyay in kirooyinku qaali yihiin iyo in ay hooseeyaan adeegyada ay bixiyaan hay’daha daryeelka u fidiya dadka waayeelka ahi. Waxa sidoo kale la sheegay in ay kooban yihiin tirada goobaha lagu hayn karo dadka waayeelka ah ee caawimaadda dheeraadka ah u baahani.

SR