Saddex nin ayaa lagu xukumay xabsi ka dib markii lagu helay in ay tuugo u geysteen dad waayeel ah. Dadka waayeelka ah la dhacay ayaa ay da’doodu u dhaxaysaa 84 ilaa 94 jir, waxaanay ku nool yihiin Stockholm. Raggan ayaa lagu xukumay xabsi u dhaxeeya 2 ilaa 3 sano oo xadhig ah, halka laba ka mid ah laga mastaafurin doono Iswiidhan oo laga mabnuuci doono in ay Iswiidhan ku soo noqdaan muddo 10 sano ah.

SR