Salwan Momika oo ahaa ninkii Quraanka ku gubi jiray Stockholm ayaa mar kale la siiyay sharciga degganaanshaha ee Iswiidhan. Ninkan oo hore loogala noqday sharcigii uu haystay ayaa imika ay laanta socdaalku sharci cusub siisay, ka dib markii la arkay in uu khatar geli karo haddii uu ku noqdo dalkiisii hooyo. Salwan ayaa tallaabadan soo dhaweeyay, waxaanu sheegay in aanu ku badbaadayn meel aan Iswiidhan ahayn.
Dhawaan ayay ahayd markii uu ninkani iska dhiibay dalka Norway balse Norway codsigiisii markiiba ka diiday. Waxaanay xidheen oo muddo ka dib waxa ay u soo dhiibeen booliska xuduudaha ee Iswiidhan.
Salwan ayaa kitaabka Quraanka ah ku gubay Stockholm iyo magaalooyin kaleba, waxaanay taasi keentay in ay Iswiidhan yeelato cadow badan.
Aftonbaldet