Laga bilaabo kowdii bishan Julaay, waxa ay hay’adda adeegga bulshadu awood u leedahay in ay baasaboorka ka xannibto ilmihii loo arko in dhaqan celin loogu celinayo dalka dibaddiisa. Awal waxa la joojin karayay oo sharcigu oggolaa ilmihii loo wado in loo soo guuriyo ama in la soo xalaaleeyo balse hadda waxa wax laga beddelay sharcigaasi. Taasi oo hadda ka dhigan in carruurta loo arko in waalidkoodu ay dhaqancelin ku samaynayaan laga xidhi karo baasaboorka.

Sannadkii waxa Iswiidhan laga saaraa carruur gaadhaysa 100. Waxaana imika arrintan iska kaashan doona booliska iyo hay’adda daryeelka bulshada. 

SR