Gabdhaha soogalootiga ah ayaa u badan gabdhaha jaamacadaha dhigta. Xog cusub oo ay soo bandhigtay hay’adda SCB ayaa muujinaysa in gabdhaha da’da yar ee asalkoodu uu ka soo jeedo dalal kale ay yihiin kuwo si weyn uga dhax muuqda ardayda jaamacahada dhigta. Sabad Mohammed oo 24 ah ayaa ku nool magaalada Göteborg. Waxay sannadkii 2010 ka timid Soomaaliya, waxaanay iyada oo toban jir ah nolol cusub ka bilowday Iswiidhan. Durba hadda ayay qaadatay shahaadada jaamacadda, iyada oo baratay maaddada loo yaqaano socionom. Sabad ayaa sheegtay in ayna waxna qori karin, waxna akhrin karin markii ay Iswiidhan timid. 

Anne-Sofie Nyström oo ah cilmibaadhe ayaa sheegtay in waxbarashadu ay muhiim u tahay dumarka, si ay suuqa shaqada u soo galaan iyo si ay xuquuqdooda oo dhan u helaanba. Waxay intaasi ku dartay in waalidiinta ajaanibka ahi badi ay wakhti dheeraad ah gelayaan sidii ay u dhiirrigelin lahaayeen carruurtooda, gaar ahaan waxay xustay waalidiinta ka soo jeeda Bariga dhexe.

Xogtan ayaa sidoo kale sheegaysa in ardayda asalkooda ka soo jeeda dalal kale ay badi waxbarashadu ku qaadato wakhti ka dheer intii loogu talagalay. Balse aan weli la garanayn sababta.

SVT