Dadka lacagta caydha qaata oo hoos u dhacay. Inkasta oo ay muddooyinkii u dambeeyay korodhay tirada dadka bilaa shaqada ahi, haddana waxa hoos u dhac weynu ku dhacay tirada guud ee dadka qaata gunnada dhaqaale ee ay degmooyinku siiyaan qofkii aan shaqaysan. Fredrik oo deggan Stockholm oo bilaa shaqo ah ayaa sheegay in loo diiday in caydh la siiyo, uuna uu aad uga xun yahay.
Tirada guud ee dadka caydha la siiyay sannadkan ayaa dhan 87 000 qof, halka ay sannadkii hore ahayd 90 000. Dhanka kale sannadkii ka sii horreeyay ayay kor uga sarraysay boqol kun. Tani ayaa ka dhigan in uu hoos u dhac weyn i ku yimid tirada dadka la siiyo gunnada dhaqaale.
SR