Waaxda dhalmada ee cisbitaalka Karolinska ee degmada Huddinge ayaa dhaliil badan loo soo jeediyay ka dib markii uu la habsaamay in uu baadhitaan ku sameeyo dhawr kiis oo la xidhiidha carruur halkaasi ku dhalatay. Sidani waxa soo bandhigay baadhis ay samaysay idaacadda Ekot. Dhakhtar ka shaqeeya waaxdan dhalmada ayaa lagu soo eedeeyay in uu ilduuf weyn sameeyay ka dib markii la ogaaday in ilmo yari ku dhintay markii uu cisbitaalkaasi ku dhalanayay. Sidoo kale waxa iyana jira tiro carruur ah oo ay dhaawacyo ka soo gaadheen markii hooyooyinkood laga umulinayay. 

SR