Daraasad cusub oo ay soo saartay jaamacadda Stockholm ayaa lagu soo bandhigay in aabbayaal badan oo ay xaasaskooda kalatageen ay carruurta guryaha ku hayaan markii ubadku xanuunsanayo. Daraasaddan cusub ayaa muujinaysa in korodh weyni jiro marka loo eego tiradaasi intii ay ahayd sagaashameedyadii. Xogtan ayaa lagu daabacay wargeyska dalka Ingiriiska ka soo baxa ee la yidhaa Social Forces. Waxaanay muujinaysaa in aabbayaal badani carruurta guriga ku hayaan karii ay ubadku bukaan, waxaanay aabbayaashani u badan yihiin kuwa ay kala tegeen dumarkii u dhaxay.
Tani ayaa muujinaysa in ay Iswiidhan ku badan tahay carruur badan oo u dhexeeya labadooda waalid. Waxaanay tani sheegaysaa in aabbayaal badani doonayaan in ay masuuliyadda la qaybsadaan hooyada ilmaha. Tiradan ayaa sannadkii 1984 ahayd 2%, halka ay maanta marayso 50%. Waxaanay muujinaysaa korodh weyn.