Foto: Johan Nilsson/TT
Nin ku nool gobolka Halland ayay maxkamadi ku xunkuntay hal sanno iyo lix bilood oo xadhig ah, ka dib markii gabadh yar oo uu dhalay uu kala baxsaday qoys kale oo gacanta ku hayay, ka dibna uu dalka ka saaray. Ninkan iyo afar qof oo kale oo iyagana lagu eedeeyay inay falkan lug ku lahaayeen ayaa dacwadda lagu soo oogay. Afartan qof ee kale ayaa lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen sidii aabbahani hablihiisa yar yar ugala bixi lahaa goobtii lagu hayay. Waxaana dhammaantood ku dhacay xukunno kala duwan.
Xeer-ilaaliyaha ayaa soo jeediyay in laba sanno iyo badh lagu xukumo laba ka mid ah afarta qof ee kale ee lagu soo eedeeyay inay aabbahan ka caawiyeen in uu gabdhihiisa la baxsado. Maxkamadda ayaa sidoo kale go’aansatay in aabbahan la sii hayo ilaa inta uu dhaqangelayo xukunkiisu. Dhanka kale maxkamadda ayaa aabbaha carruurta dhalay ku ganaaxday in uu bixiyo lacag magdhaw ah oo xaddigeedu yahay 50,000 karoon, halka ragga kalena lagu ganaaxay midkiiba 20,000 karoon.
Bishii Ogos ee sannadkii hore ayay ahayd markii hay’adda adeegga bulshadu labadan gabdhood kala wareegtay qoyskooda, ka dib markii mid ka mid ahi dugsigeeda u sheegtay in aabbaheed dilo iyo inay ka werwersan tahay in nin loo guuriyo. Labadan gabdhood ayaa laga raray qoyskooda oo la dejiyay laba meelood oo kala duwan oo ku yaalla magaalada Halmstad, ka hor intii aan aabbahood halkaasi kala bixin ee aanu waddanka ka saarin, kuna celin dalkii ay asal ahaan ka soo jeedeen.
Baadhitaan muddo socday ka dib waxa la soo qabtay dhawr qof oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen arrintan. Xukunkan imika dhacayna waxa uu khuseeyaa uun gabdhaha mid ka mid maaddaama oo ta weyn ay da’deeda imika dhaaftay 15 jir oo aanay xisaabsanayn carruur.
Xigasho: SVT HALLAND