Martina Holmberg/TT

 

Laga bilaabo Isniinta soo socota markay saacaddu tahay 2:00 duhurnimo, waxa Stockholm iyo deegaanada ku xeeran laga mabnuucay in dab bannaanka lagu shito. Arrintan ayaa lagu sababeeyay in dhirtii iyo dooggiiba qalaleen oo in dab ka kacaa ay aad u dhib yar tahay. Waxaana go’aankan soo saaray maamulka gobolka Stockholm.

Waa amar adag oo mabnuucaya in dhammaan noocyada kala duwan ee dabka laga shito goobaha dadweynaha, sida in hilib bannaanka lagu shiisho iyada oo dhuxul, gaas, xaabo ama nooc kasta oo dab dhalin kara la adeegsanayo.

Taa beddelkeeda waxa la oggol yahay in qofku beerka gurigiisa hortiisa ku taalla ama meel kale oo u gaar ah cunto ku samaysto, isaga oo si weyn u taxaddiraya. Isaga oo hubinaya in ayna dhalinayn dhibaato horseeda in dab ka kaco goobtaasi.

Amarkan ayaa sii shaqayn doona ilaa amar dambe laga soo saarayo.

 

Xigasho: Mitt i Stockholm

kontakt@navigatormedia.se