Janerik Henriksson/TT
Muddooyinkan dambe, waxa baraha bulshadu ay ku wada xidhiidho ka socday doodo ku saabsan in ardayda dugsiyada sare dhammaysaa, marka ay qalinjabinayaan ay soo qaataan calamada dalalka ay waalidkood ka soo jeedaan.
Mid ka mid ah ardayda dooratay in ay lullaan calamadaa caalamiga ah ayaa ah Olivia Fransson, iyada oo dhabarka ku sidata, labada calan ee Iswiidhan iyo ka dalka Chile, waxay tidhi:
– Waxa aan sidan u samaynayaa si aan u muujiyo meesha aan asalkaygii ka soo jeedo. Hooyadayna Chile ayay ka timid, aabahayna waa Iswiidhish oo labaduba si isku mid ah ayay muhiim iigu yihiin.
Arday aad u tiro badan ayaa doorta inay lullaan calamo aan ahayn kan Iswidhishka inta ay xaflada qalanjabinta ku jiraan. Jimcihii horena waxa ay ahayd maalintii ay ardayda dhigata dugsiga sare ee Praktiska gymnasium ee Limhamn ee Malmö ay qalinjabinayeen ee ay farxadoodana bannaanka ugu soo bixi lahaayeen.
Maxamed Cazzam ayaa qudhiisu sidaasi oo kale qaba, waxaanu yidhi:
– Waxa aan ka imid Falastiin, waanan ku faanayaa. Calanka Iswiidhana waxa aan u rabay sidoo kale, labada waddanba macno weyn ayay ii leeyihiin.
Dood ayay dhalisay doorashadan calamada ee ay ardaydu soo qaadanayso inta lagu jiro dabbaaldegga qalinjabinta ardayda, ka dib markii uu dugsiga sare ee Jensen ee Uppsala uu gabi ahaanba mamnuucay calamada, marka ay xaflada ardaydu bilaabmayso, sababna waxa ay uga dhigeen in ay ka baqayaan in isku dhacyo ka dhashaan dabbaaldegga ardayda.
Xigasho: SVT SKÅNE
Mohamed Yusuf