Boolis yaraan ayaa ka jirta Stockholm.  Alexander Ojanne (S) oo ka mid ah madaxda maamulka magaalada Stockholm ayaa sidani sheegay. Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay 1000 askari oo dheeraad ah oo ka hawlgala gobolka Stockholm. Wax hal bil ka yar waxa Stockholm ka dhacay 8 toogasho. Maamulka magaalada ayaa ku dadaalaya sidii barnaamijyo badan loogu salamayn lahaa carruurta iyo dhallinyarada si looga mashquuliyo dembiyada ay geli karaan maaddaama oo ay dugsiyadii xidhan yihiin. 

SR