Foto: Martina Holmberg/TT
Dad aad u tiro badan ayaa hadda doorbidaya in ay iska tallaalaan fayraska TBE. Fayraskan ayaa laga qaadaa qaniinyada nooc ka mid ah dulinka oo inta badan ku nool dooga iyo geed gaabka ka baxa meelaha kaymaha ah. Fayraskan ayaa keena xanuuno khatar ah oo ay ka mid yihiin kuwa maskaxda ku dhaca.
Sida ay sheegtay hay’adda fayodhowrka caafimaadka ee Iswiidhan, waxaa fayraskan lagu arkay dhul ka ballaadhan meelihii hore loogu arki jiray. Gobolka Stockholm iyo nawaaxigiisa waxa sannadkii hore laga soo sheegay 137 kiis oo TBE ah. Kiisaska ugu badana waxa laga helay degmooyinka Haninge, Norrtälje, Södertälje, Sigtuna, Ekerö, Botkyrka, Värmdö iyo Österåker.
Waxay dad badani ku baraarugeen muhiimadda tallaalka looga hortago TBE wakhtigii lagu jiray safmareenkii Convid-19 oo macluumaadka cuddurada faafaa ay aad dadka u gaadheen. Balse hadda waxaad mooddaa in ay dadku bilaabeen in ay is tallaalaan, oo durtaba meelaha qaarkood waxa laga soo dareemayaa in uu tallaalkii gaabaabsi noqday.
Waaxda cuddurada faafa ee Stockholm ayaa ku boorisay waayeelka iyo carruurta kaymaha iyo deegaankaba booqdaa ay is tallaalaan. Tallaalka oo aan bilaash ahayn ayaa qofkii rabaa iska bixinayaa lacag aan yarayn. Taasoo qofka tallaalka dhammaysanaya looga baahan yahay in uu seddex jeer is tallaalo oo ay midkiiba tahay 400 SEK.
Xigasho: Mitti i Stockholm