Martina Holmberg/TT

 

Dawladda ayaa ku dhawaaqday inay dib u habayn ku samayn doonto habka iyo xaddiga kaalmada uu qofku helayo, waxaanay arrintan u xilsaartay xogbaadhe arrinkan ka soo baaraandega oo soo xaddeeya  lacagta ugu badan ee kaalmo dhaqaale ahaan loo siin karo qof kaalmo quute ah.

 

Hadafka xogtan looga socdaana waa in aanu qof kaalmo qaataa uusan helin dhaqaale ka badan dhakhliga soo gala qofka shaqaysta.

Sida laga soo xigtay dawladda, waxay damacsan tahay in arrintani ay ku dhiirigelin doono dad badan in ay shaqo raadsadaan oo ay kaalmada kaga maarmaan.

 

– Tallaabada baadhitaanka, ta ku xigtana waxa aanu ku soo bandhigi doonaa dib-u-habaynta weyn ee deeqaha ee aanu in muddo ahba qorshaynaynay, ayuu yidhi raysalwasaare Ulf Kristersson.

 

Soojeedinta ayaa lagu soo bandhigay shir jaraa’id oo ay  yeesheen wakiilo ka socda dowladda iyo xisbiga taageera ee  Sverigedemokraterna.

Hindisahan ayaa la sheegay in uu diyaar noqon doono bisha Diisambar ee sannadka 2024.

 

 

Xigasho: SVT

Mohamed Yusuf

kontakt@navigatormedia.se