Dhiig yaraan ayaa soo foodsaartay cisbitaallada gobolka Skåne. Arrintan ayaa keeni karta in la joojiyo qaliino xarumaha caafimaadka ee gobolku samayn lahaayeen. Arrintan ayaa la sheegay in ay dhiig yaraan ku timid kaydka dhiigga, ka dib markii dad badan oo dhiigga shubi jiray oo ku deeqi jiray ay fasaxyo u baxeen.
Maamulka gobolka ayaa maanta oo Arbaca farriin SMS ah u wada diray dadkii diiwaankooda ku jiray ee hore dhiigga u bixin jiray, kuwaasi oo laga codsaday in ay cisbitaallada soo maraan oo ay dhiig u shubaan.
SVT