Anders Wiklund/TT

Israsaasayn fiidkii ka dhacday xaafadda Farsta ee koonfurta Stockholm ayaa hal qof ku dhintay halka saddex kalena uu dhaawac soo gaadhay. Laba qof oo ayaa afartan ka mid ah ayaa lagu toogtay meel u dhaw xarunta tareenka laga raaaco, halka labada kalena lagu toogtay meel aan sidaa uga sii fogayn faras-magaalada Farsta.

Booliska oo isla markiiba goobta yimid ayaa sheegay in laba qof loo hayo falkan, kuwaasi oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen toogashadan. Waxa uu intaasi boolisku ku daray in labadan qof laga soo qabtay xaafadda Järna ka dib markii uu boolisku istaajiyay gaadhigii ay wateen.

– Afar qof ayay rasaastu la kulantay, waxaana goobta falalkani ka dhaceen hadda ku sugan boolis isugu jira kuwo direys leh iyo kuwo dharcad ah. Sidoo kale waxaa goobta ku sugan dembibaadhayaal iyo ey ku hawlan sidii loo ururin lahaa dhammaan xogta aannu u baahannahay. Sidaasi waxa idaacadda SVT u xaqiijiyay Towe Hägg oo ah afhayeenka booliska.

Afar iyo labaatankii saacadood ee u dambeeyay waxa Stockholm lagu toogtay toddoba qof. Marka laga yimaaddo afartan Farsta lagu toogtay waxa xalay degmada Solna lagu toogtay laba nin halka hal nin oo kalena lagu toogtay xaafadda Jordbro.

 

Xigasho: SVT

kontakt@navigatormedia.se