Foto: TT

Kala badh kalkaalisooyinka ka hawlgala cisbitaalka qalliinka ee Lund ayaa shaqadii isaga fadhiistay. 13 ka mid ah 20 kalkaaliso oo halkaasi ka hawlgala ayaa sheegay in ayna ku qanacsanayn hannaanka ay u shaqeeyaan iyo in madaxda ka sarraysaa ay dhegaysan waayeen. Waxay intaasi ku dareen in ay jecel yihiin shaqadooda balse ayna sii wadi karin oo ay xagaaga ka dib isaga tegayaan. Maamulka gobolka Skåne ayaa sheegay in uu ka shaqaynayo sidii dhibaatadan xal loogu heli lahaa ayna u joojin lahaayeen shaqaalahooda.

SR