Johan Nilsson/TT

 

Haweenay 40 jir ah iyo nin 62 jir ah ayay maxkamadda Hässleholm ku heshay inay kufsadeen laba gabdhood oo da’ yar yar. Ninka 62-jir ah oo madax ka ahaan jiray gole deegaan oo ku yaalla gobolka Skåne ee Iswiidhan oo xiisayn jiray filimada anshax-xumada ee caruurta yar yar laga duubo, ayaa la xidhiidhay qof dumar ah oo ku nool degmada Hässleholm ee gobolka Skåne, isaga oo isticmaalaya app-ka shukaasiga loo isticmaalo. Haweeneydan oo 40 jir ah ayaa filimo u duubtay, sawirrana uga qaaday xillli ay kufsanaysay laba gabdhood oo aanay da’doodu gaadhin 15 jir.

Waxa kale oo ay u duubtay carruurtii oo qudhoodu is faroxumaynaysa. Sidaa daraadeed ayaana ninkii iyo haweenaydiiba loo xukumay. Haweenayda waxa lagu xukumay 8 sanno oo xadhig ah, halka ninkana lagu xukumay laba sanno iyo badh xabsi ah.

Haweenaydan oo anshax-xummadan gurigeeda ku samayn jirtay, ayaa lagu helay in ay carruurta oo aad u yar yar ku bilowday inay faroxumayso. Waxa kale oo lagu eedeeyay inay mararka qaarna u keeni jirtay dad kale oo faroxumayn u geysta si ay uga duubto filimo ay ninka eedaysanaha ah la wadaagto. Sidaa daraadeed ayaa gabadha loogu xukumay in ay samaysay kufsi axmaqnima ah oo ay carruur yar yar ku samaysay. Halka ninkana lagu eedeeyay in uu si fool xun ugu xadgudbay carruurta, inkasta oo aanu isugu si toos ah ula macaamilin balse uu filimada uu daawan jiray. Waxa ninka lagu helay in uu gabadhan siin jiray lacag si ay muuqaallo ugu soo duubto.

Qareenka difaacayay haweeneydan ayaa sheegay in ayna weli go’aansan in ay racfaan ka qaataan xukunka iyo in kale.

Tacadigan carruurta loo geystay waxa uu warkoodu soo baxay ka dib markii carruurtu ay tacadiyadan loo geystay u sheegeen qof kale oo ay saaxiib yihiin. Qofkaas ayaa isna u warramay gacanyaraha arrimaha bulshada ee iskuulka, ka dibna sidaa ayaa lagu wargeliyay booliska. Booliska ayaa arkay in ay haweenaydu 287 jeer lacag ka heshay ninkan ay filimada u duubi jirtay, lacagtaasi oo dhammayd t 80 000 karoon ayaa loogu soo diray Swish-keeda.

Intii ay socotay dacwadda, waxa la soo bandhigay sawirro ay boolisku ka heleen guriga haweeneyda ka dib markii ay gurigeeda baadhitaan ku sameeyeen.

 

Xigasho: SVT

kontakt@navigatormedia.se