Johan Nilsson/TT

 

Xarun ay maamusho laanta socdaalka ee Iswiidhan oo ku taalla magaalada Flen ayaa waxa ka baxsaday nin halkaasi lagu hayay. Fiidnimadii Axadda ayaa ninkaasi ka baxsaday xerada ka dib markii uu caawimo ka helay dad wejiga soo duubtay. Sida uu boolisku baahiyay, dadkan ninka u fududeeyay in uu baxsado ayaa markii dambe goobta kaga baxsaday gaadhi ay wateen.

Booliska ayaa bilaabay baadhitaan ay ku samaynayaan dhacdadan, waxaanay mar dambe ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan nin qof looga shakisan yahay in uu arrintan xidhiidh la leeyahay. Balse waxa aan weli lagu guulaysan in la soo qabto qofkii baxsaday iyo dadkii gacanta ka siiyay ee gaadhiga ku baxsaday.

 

Xigasho: Aftonbladet

kontakt@navigatormedia.se