Foto: Johan Nilsson/TT

 

Wiil labaatan jir ah ayaa ka baxsaday goobtii lagu daryeelayay oo ahayd goobta marka la soo gaabiyo la yidhaa Sis-hem ee degmada Marks. Halkaas oo lagu hayo laguna daryeello shaqsiyaadka loo arko inay khatar ku yihiin naftooda iyo bulshada ay la noolyihiin. Sidaa darteedna qasab lagu geeyo goobahaas cayiman si daryeel caafimaad loo siiyo. Nasiib darro, wiilkani waxa uu meesha ka baxsaday shalay goor galabnimo ah oo saacadduna ku beegnayd shantii galabnimo. Boolisku weli may kala caddayn in cid taageeraysay oo ay sugaysay si ay ugu fududayso in uu baxsado.

Baxsadka wiilka waxa isaguna dhankiisa ka caddeeyey Stefan Hell Fröding, oo ah xoghaynta goobta Sis (Statens institutionsstyrelse). Mar la weydiiyey qaabkii uu u baxsaday, wuu ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo, isaga oo sheegay in la baadhi doono arrintan iyo sida ay wax u dhaceen.

Markiiba baadhitaan bay galeen boolisku, iyaga oo adeegsanaya dayuuradaha qummaatiga u kaca. Sida ay boolisku caddeeyeene waxay ku guuleysteen inay ninkii gacanta ku soo dhigaan xilli dambe oo fiidkii ah. Ka dib markii bulshada deegaanka ku nooli soo sheegtay isaga oo baxsad ah.

Badi dhallinyarada goobahan lagu hayo ayaa ah kuwo la siiyo daryeel caafimaad iyo dhaqan toosin, maaddaama ay u badan yihiin kuwo la deris ah culaysyo badan oo dhanka maanka ah. Waxaana sharcigu dhigayaa in qasab lagu daweeyo haddii loo arko in ay daruuri tahay.

 

Xigasho: SVT

kontakt@navigatormedia.se