Adam Ihse/TT

Ubai Julaybib Benoitzon oo mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee u safray dalka Siiriya si uu uga qaybqaato dagaaladii halkaasi ka socday ayay imika maxkamadi ku xukuntay afar bilood oo xabsi ah. Nin oo ay da’diisu tahay 45 jir kuna nool magaalada Karlskrona ayay hay’adda sirdoonka Iswiidhan ku eedaysay in uu ka mid ahaa dadkii xagjirka ahaa ee ugu horreeyay ee u safray dalka Siiriya.

 

Ubai Julaybib Benoitzon ayaa bilowgii ku biiray kooxda xagjirka ahayd ee Kataib Al-Muhajireen, taasi oo markii dambe isu beddeshay maamulkii Islaamiga ahaa ee IS. Mar dambe ayuu ninkani barta internet-ka ku soo bandhigay sawirro iyo filimaan argagax leh. Waxa uu soo gudbiyay sawirro muujinaya meydad uu ku diganayo, isaga oo ku dul qoray faallooyin xadgudub ah iyo hadalo yasitaan ah. Wararkan uu faafiyay ayaa markii dambe loo adeegsaday hab dacaayad ah oo dagaalka lagu hurinayo, maaddaama oo ay muuqaalladaasi si weyn ugu faafeen internet-ka.

 

Maxkamadda Blekinge ayaa bishii Jeeneweri ku xukuntay afar bilood oo xabsi ah, waxaana lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay sharciga caalamiga ah.

 

Maanta maxkamadda racfaanka ayaa ku dhawaaqday xukunkiisa, taasi oo horseedi doonta in uu xukunku dhaqangalo.

 

– Waxa uu ku xadgudbay xaquuqda dad badan oo sharciga caalamiga ahi damaanad qaaday noloshooda, isaga oo ku kacay falal axmaqnimo ah, taasina waxay keentay in uu maanta xukunkani ku dhaco. Sidaasi waxa warsaxaafadeed ku sheegtay Ylva Norling Jönsson oo ah madaxa maxkamadda racfaanka iyo guddoomiyaha kiiskan lagu soo oogay Ubai Julaybib Benoitzon.

 

Ubai Julaybib Benoitzon ayaa dhankiisa iska fogeeyay dambigan loo haysto.

 

Xigasho: TV4

kontakt@navigatormedia.se