Foto: Jessica Gow/TT
Nin 45 jir ah ayaa u dhintay dhaawicii ka soo gaadhay israsaasayntii maalintii Sabtida ka dhacday xaafadda Farsta ee koonfurta Stockholm. Ninkan ayaa ka mid ahaa afar qof oo lagu toogtay farasmagaalada xaafadda Farsta fiidnimadii Sabtida. Wiil 15 jir ah ayaa isagu markiiba u dhintay dhaawicii soo gaadhay, halka wiil kale iyo qof dumar ahina ay ku dhaawacmeen. Tani ayaa ka dhigan in afartii qof laba ka mid ahi ay u dhinteen dhaawicii soo gaadhay.
Sida ay boolisku sheegeen, waxa goobta laga helay 20 qasharka rasaasta ah. Waxa sidoo kale ay boolisku xaqiijiyeen in ay falalkan u qabteen laba nin oo da’dooda tahay 20 jir, kuwaasi oo looga shakisan yahay inay ahaayeen kuwii falalkan geystay.
Xigasho: SVT