FOTO: ANDERS WIKLUND/TT

 

Sida ay sheegtay shirkadda guriga iska lihi, waxa guriga marar badan laga buufiyay khutaan galay, balse haddana tukhaanku wuu sii badanayay uun, oo waxa uu mar walba ku sii fidiyay agabka kala duwan. Sababtana waxay kuu sheegeen in dadka guri degganaa ee kiraystay ay raaci waayeen talooyinkii iyo  tilmaamihii ay shirkadda cayayaanka buufisaa ay siisay. Taasina waxay keentay in la dacweeyo dadkii guriga kiraystay, laguna ganaaxo inay bixiyaan lacag dhan 90,000 karoon.

Shirkadda cayayaanaka buufisa ayaa ku dhibtooyay nadiifinta iyo dabargooynta tukhaanka guriga galay, marar badana wey ku soo noqnoqatay buufinta guriga, balse waxba ma ay tarin, tukhaankiina wuu ka bixiyay guriga.

Sida laga soo xigtay shirkada guriga leh, dadka guriga kireystay ee degganaa ayaa loogu taag waayay in ay raacaan talooyinka la siiyay, kuwaasi qoraal ahaan iyo haddal ahaanba loogu sheegay. Waana sababta keentay imika in ay shirkaddu dacweyso kireystayaasha  si ay u bixiyaan kharashka dheeraadka ah ee ku baxay nadiifinta tukhaanka.

Dacwadda milkiilaha ayaa lagu sheegay in dadka guriga degganaa ee kiraystayaasha ahi ay dayaceen nadaafadda guriga, taasina ay sabab u ahayd in tukhaanku ku dhasho guriga.

Aakhirkiina shirkaddu waxa ay ku qasbanaatay in ay tukhaanka kula dagaalanto habka kulaylinta, markii ay habab kale oo badani shaqayn waayeen.

Kiraystayaashan  Simrishamn degganaa keli kuma aha saamaynta tukhaanka iyo dhibtiisu, balse dad baddan oo waddanka degan ayay dhibtan oo kale haleeshay siday tilmaantay xog urrur ay samaysay Hem &Hyra. Taasi oo  muujisay in shirkadaha guryaha lihi ay sameeyeen kumanaan nadiifinood sannadihii u dambeeyay.

Hem & Hyra waxa kale oo ay sheegtay in qofka qarsada tukhaanka ee mukliilaha aan markiiba la hadal uu khatar ugu jiro in magdhaw laga doono ama gurigaba laga saaro sida ku dhacday haweenay weyn oo 63 jir ah oo ku nool magaalada Malmö, ka dib markii gurigii ay ku noolayd 21 jeer laga buufiyay tukhaanka.

 

Xigasho: Hem & Hyra

Mohamed Yusuf

kontakt@navigatormedia.se