Foto: Henrik Montgomery/TT

Toddobaadka Järva si rasmi ah u furmay

 

Waxa shalay si rasmi ah u furmay toddobaadka Järva, kaasi oo sannad kasta wakhtigan oo kale ka qabsooma degmada Järva ee Stockholm. Toddobaadkan oo soo socdan tan iyo 2016 ayaa waxa soo qabanqaabiya ururka Stiftelsen The Global Village. Waxaana sannad kasta ka soo qaybgala hoggaamiyayaasha xisbiyada qaranka, kuwaasi oo sannad kasta qudbado ka jeediya. Sidoo kale waxa ka soo qaybgala oo hawlahooda ku soo bandhiga, ururro, shirkado iyo hay’ado badan oo dawli ah. Waana barkulan kulmiya dad badan oo ka kala yimaadda guud ahaan magaalada Stockholm iyo nawaaxigeeda.

 

Shalay waxa labadii qudbadood ee ugu horreeyay ka jeediyay Magdalena Andersson

oo ah hoggaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna iyo Johan Pehrson oo ah hoggaamiyaha xisbiga Liberalerna.

 

Magdalena ayaa si weyn uga hadashay arrimaha dhaqaalaha iyo sidii loo xakamayn lahaa falalka dembiyada ee dalka ka dhaca. Waxaanay dhaliil u soo jeedisay dawladda.

 

Dhanka kale Johan Pehrson ayaa isna ku dheeraaday muhiimadda ay leeyihiin waxbarashada iyo shaqadu iyo doorka ay ka ciyaaraan isdhexgalka bulshada.

 

 

kontakt@navigatormedia.se