Janerik Henriksson/TT

 

Dhawr sano gudahood, ayay dadka safarka ahi awoodi doonaan in ay ka soo degaan xarumaha tareemada dhulka hoos mara sida Sofia, Slakthus, Sickla, Järla, Nacka iyo qaybta cusub ee Gullmarsplan. Imika ayuun baana la soo bandhigay sawirrada cusub ee muujinaya muuqaal ahaan sida ay u eekaan doonaan goobahani.

Sawirradani waa iftiimintii u horreysay ee muujinaysa muuqaallada dhabta ah ee yeellan doonaan gudaha iyo darbiyada xarumaha  cusub ee tareenada dhulka hoostiisa mara ee xaafado ka mid ah Stockholm.

 

MuuqaalLada sida ay u eekaan doonaan waxa sameeyay farshaxaniistayaal ka soo shaqaynayay geeddi-socodka dhismayaasha xarumaha tareenada ilaa iyo 2015, kuwaasi  oo si dhowna ula shaqaynayay naqshadeeyayaasha iyo injineeradaba.

 

– Farshaxanka iyo sawir-gacmeedyadu waxa ay muhiim u yihiin guud ahaan xarumaha tareenada dhulka hoostiisa mara ee Stockholm, aadna waa aannu ugu faraxsanahay in aannu  qayb ka noqonno horumarinta iyo soo-bandhigadda mashruucan muhiimka ah, sidaa waxaa yidhi Martin Hellgren oo ah maamulaha xarumaha uu maro tareenku ee khadka Blue Line.

 

Xarunta Sofia ayaa 100 mitir ka hooseysa barxadda lagu nasto ee Stigbergsparken, wiishahka dadka qaada ee cusub ee loo sameeyay ayaana ku geynaya xarunta.

 

Darbiyada qolka lagu sugo tareenka ee xarunta Sofia waxa ay noqon doonaan buluug cirka u eeg, inkastoo cirku halkaasi aad uga fog yahay.

 

Xarunta tareemada ee Nacka, waxay yeellan doontaa saddex albaab oo laga soo galo. Sidan ayayna u eekaan doontaa dhanka eegaya Vikdalsbron. Dhanka Jarlabergsvägen ee xarunta tareemada ee Nacka na waxaa lagu soo geli doonaa wiishashka.

Xarunta Saltsjöbanan ee Saltsjö-Järla agteedana, waxaa laga dhisi doonaa xarunta tareemada ee dhulka hoostiisa mara ee Järla, oo yeellan doonta barxad dhulka ka hooseyso 25 mitir.

 

Xarunta Slakthuset qudheedu oo qiyaastii 200 mitir uun u jiri doonta masraxa caanka ah ee Globen ayaa qiyaastii dhulka ka hoosayn doonta 50 mitir.

 

 

Xarunta tareemada ee Sickla ayaa iyaduna noqon doonta meel faras-magaalaha u dhow. Waxayna yeellan doontaa afar albaab.

 

Sawirkanani waa sida uu u ekaan doono xarunta tareenku, xaruntaasi oo u dhow khadka Tvärbanan iyo Khadka Saltsjöbana,

Xaquuqda sawirka:Gobolka Stockholm/Sweco.

 

Gullmarsplan, waxay yeellan doontaa xarun cusub oo khadka buluuga ah oo laga dhisi doono khadka cagaarka ah hoostiisa, 70 mitir ayaa dhulka u jirta.

 

 

 

Xigasho: Mitt i Stockholm

Mohamed Yusuf

kontakt@navigatormedia.se