Stina Stjernkvist/TT
Siddeed qof ayaa xukun ku dhacay ka dib markii lagu soo oogay inay bishii Jeenaweri qaraxyo ka sameeyeen xaafadaha Kista iyo Södermalm. Sida uu sheegay xeerilaaliyuhu, dembiyadan ayaa dadkani ku cad ka dib markii DNA-dooda laga helay baytariyadii ay qaraxyada u adeegsadaan iyo waliba sifihii ay ku soo iibsadeen. Bayteriyadan ayay soo iibsadeen dhawr cisho ka hor intii aanay fulin qaraxii Södermalm.
Siddeedan qof ayaa lagu soo eedeeyay inay galeen dembiyo waaweyn oo halis ku ahaa bulshada iyo inay ku kaceen falal sharciga ka hor imanaya.
Xigasho: P4 Stockholm